Saint Paul Public Schools Choice Catalog

SIYAABAHA ILMAHAAGA DUGSI LOOGU DOORAN KARO
Maadaama uu cunugaagu dugsiga bilaabayo markii ugu horaysay, cunugaagu wuxuu isku badalan doonaa dugsiyada, ama cunugaagu wuxuu bilaabi doonaa dugsiga dhexe kadibna dugsiga sare hadaba waxaad leedahay istikhyaar aad dugsiyada kala duwan ee St. Pual ugu kala dooran karto cunugaaga si aad u hesho midka ku haboon ilmahaaga iyo qoyskaaga. Shaaqaale af Soomaali ku hadla ayaa diyaar kuugu ah xarunta meelaynta ardayda sanadka oo dhan si ay u caawiyaan waalidiinta Somaaliyeed ee raadinaya dugsi ilmahooda ku haboon oo ay ku qoraan. Hoos waxaa ku qoran akhbaarta guud ee ku saabsan sida aad ilmahaaga ugu dooran karto dugsiga aad rabto. Boggaga soo socda waxaad ka heli doontaa sharaxaad ku saabsan dhamaan dugsiyada Saint Paul.