| Saint Paul Public Schools Choice Catalog | |||
DUGSIYADA SARE: Magaca dugsiyada sare ee halkaan lagu xusay waxaa ku jira dugsiyada dhexe oo ay ku jiraan fasalada lixaad, todobaad, sidaad, waxaa kaloo ku jira fasalada dugsiga sare oo ay ka mid yihiin fasalada sagaalaad, tobnaad, koow iyo tobnaad, iyo kan laba iyo tobnaad. Barnaamijyada iyo fursadaha tirada badan ee heerkoodu gaarayo dugsiyada sare ayaa waxay ardayda ka soo jiitaan magaalada oo dhan. Ardaydu bas ayey u soo raaci karaan iskuulka haddii ay ku nool yihiin masaafo iskuulka looga socon karo wax ka badan hal mayl. Ardayda cusub, ama kuwa iskuulka badalanaya waa inay arji u soo qortaan dugsiyada la dooran karo ee ay danaynayaan. Ardayda waxaa loogu ogolaan karaa dugsiyada ayadoo loo eegayo arjigooda, tusmooyinka degmada ee arintaan la xiriira iyo hadba sida boos loogu heli karo. Ardayga ku nool nawaaxiga dugsiga laga dhigan karo ayaa waxaa la siinayaa mudnaanta ugu koowaad ee dugsigaasi ardayda ku aqbalayo. Si hadaba loo kordhiyo fursadaha waalidiinta ay dugsiga sare ilmahooda u doonayaan ku heli karaan, waxaa waalidiinta lagu dhiiri galinayaa inay cadeeyaan dugsiga ku yaala nawaaxiga ay dugsiga ka aadayaan ayna ku muujiyaan doorashadooda koowaad iyo doorashadooda labaad. Waalidiinta caruurtoodu ay hore u dhigan jireen dugsi ka mid ah dugsiyadaan aan kor ku soo sheegnay waxay fursad ka fiican tan qoysaska aan hore ilmo ugu dhigan jirin u leeyihiin in ilmahooda loo ogolaado oo ay ku soo qortaan dugsigii kuwa kale horay u dhigan jireen. Marka dugsiyada laga aqbalo, ardaydu waxay isku qori karaan barnaamijyo khaas ah ama hab waxbarasho kooxo kooxo yar yar, labada habba amase nidaamba dugsiyada sare waa laga heli karaa. Ardayda doonaysa inay iskuulada ay hada dhigtaan sii dhigtaan sanadka soo socdaa uma baahna inay arji soo buuxiyaan, laakiin dhamaan ardayda dhigta dugsiyada sare waa inay fasalo ay dhigtaan isku qoraan. Qabashada araajida dugsiyada sare waxay ku egtahay Feebaraayo 29, 2008. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee aad uga baahato habkii aad ilmahaaga dugsi ugu dooran lahayd waxaa waci kartaa Xarunta Diiwaangalinta Ardayda oo taleefonkeedu yadhay (651) 632-3709 si aad ula hadasho qof Soomaali ah oo kaa caawiya sidii aad u diiwaan galin lahayd ilmahaaga. | |||
Saint Paul Public Schools #625 -- 360 Colborne Street -- Saint Paul, MN 55102 -- (651) 767-8100 Contact Us The Saint Paul Public Schools does not discriminate on the basis of race, creed, sex, marital status, national origin, age, color, religion, ancestry, status with respect to public assistance, sexual or affectional orientation, or disability. Click here for more information. | |||