| Saint Paul Public Schools Choice Catalog | |||
DUGSIYADA HOOSE: Haddii cunugaagu shan jir noqondoono marka la joogo ama ka horaysa bisha Sibteembar 1, 2008, cunugaagu waxaa lagu qori karaa dugsiyada xanaanada caruurta sanad dugsiyeedka 2008-2009. Caruurtu waa inay 4 sano jir noqoto inta ka horaysa ama markii la gaaro Siteembar 1, 2008, si ay uga qayb galaan barnaamijka 4 jirka oo dugsiyo badanka socda. Waxaa jira laba nooc oo dugsi hoose ah: DUGSIYADA XAAFADAHA dugsiyadaani aad ayey xaafadaha ugu dhowyihiin waxaana dhigan kara ardayda ku nool ciwnaanada xaafada dugsigaas ku hareeraysan. Ardaydu waxay dugsiga u soo raaci karaan bas haddii ay ku nool yihiin meel dugsi xaafadeedkaan laga dhigan karo balse fogaanta ay dugsiga u jirtaa ka badandtahay masaafo hal mayl u dhiganta. Dugsi xaafadeedyada waxaa laga helaa barnaamijka tacliinta dugsiyada hoose oo dhamaystiran. Si ay ilmahooda uga diiwaan galiyaan qoysaska meel dugsi xaafadeedka laga dhigan karo degani waaxay si toos ah u soo waci karaan dugsiga laftiisa si ay ilmahooda uga diiwaan galiyaan haddii aanay magaalada ku cusbayn ama ay St. Paul intay ka guureen hadana ku soo laabteen. Dhamaan qoysaska cusub ama degmada dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka guureen ee haysta ilmo dhigan kara inta u dhaxaysa fasalada 1-6 aad waa inay wacaan Xarunta Diiwaangalinta Ardayda oo taleefonkeedu yadhay (651) 632-3709 si ay ula hadlaan qof Soomaali ah oo ka caawiya sidii ay u diiwaan galin lahaayeen ilmahooda. DUGSIYADA HADDII LA RABO MEESHII LA DOONO EE MAGAAALADA AH LAGA SOO AADI KARO, waxaa jira waxyaabo dugsiyadaani si gooni ah xooga u saaraan oo u waheliya maadooyinka aasaasiga ah ee dugsiyada oo dhan laga qaato. Dugsiyada haddii la rabo meeshii la doono ee magaalada ah ayaa laga soo aadi karaa; waxay ardayda ka qaataan magaalada oo dhan. Dugsiyada badankooda, ardaydu bas ayey u soo raaci karaan haddii ay ku nool yihiin masaafo ka durugsan in ka badan hal mayl. Qoysasku waa inay dugsiga codsi u qortaan oo ardaygu aqbaalaad ka helo dugsiga ardayda magaalada oo dhan ka qaata inta aanay waalidiintu ilmohooda ku soo qorin. Dugsiyada haddii la rabo meeshii la doono ee magaalada ah laga soo aadi karo waxay leeyihiin mudo ama wakhti go’an oo codsi loo qoran karo, wakhtigaasi wuxuu sanad dugsiyeedkaan ku egyahay Maarso 7, 2008. Qoysaska caruurtoodu ay hore u dhigan jireen dugsi ka mid ah dugsiyadaan aan kor ku soo sheegnay waxay fursad ka fiican tan qoysaska aan hore ilmo ugu dhigan jirin u leeyihiin in ilmahooda loo ogolaado oo ay ku soo qortaan dugsigii kuwa kale horay u dhigan jireen. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee aad uga baahato habkii aad ilmahaaga dugsi ugu dooran lahayd waxaa wici kartaa Xarunta Diiwaangalinta Ardayda oo taleefonkeedu yadhay (651) 632-3709 si ay ula hadlaan qof Soomaali ah oo ka caawiya sidii ay u diiwaan galin lahaayeen ilmahooda. | |||
Saint Paul Public Schools #625 -- 360 Colborne Street -- Saint Paul, MN 55102 -- (651) 767-8100 Contact Us The Saint Paul Public Schools does not discriminate on the basis of race, creed, sex, marital status, national origin, age, color, religion, ancestry, status with respect to public assistance, sexual or affectional orientation, or disability. Click here for more information. | |||